• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mareykanka iyo Iiraan oo Weerarro Toos Ah Isku Qaaday xilli Wadahadalladii Hakad Galeen

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mareykanka iyo Iiraan oo Weerarro Toos Ah Isku Qaaday xilli Wadahadalladii Hakad Galeen
Share

Wararka24: Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Iiraan ayaa isku weeraraya Bariga Dhexe, kadib markii Taliska Dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM uu sheegay inuu fuliyay duqeymo is-difaacid ah oo ka dhan ah saldhigyada Iiraan ee Jasiiradda Qeshm ee Marinka Hormuz.

Mareykanka ayaa xaqiijiyay inuu soo riday gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Iiraan ay ku beegsanaysay maraakiibta iyo dalalka Khaliijka.

Tehran ayaa dhankeeda sheegtay inay gantaallo ku garaacday saldhigyo iyo diyaarado qumaatiga u kaca oo Mareykanku leeyahay, iyadoo ku tilmaantay tallaabo aargoosi ah. CENTCOM ayaa sheegtay in gantaallada Iiraan ay ku ridday waddamada Kuwait iyo Baxrayn qaarkood hawada lagu gubay, halka kuwo kalena ay ku dhaceen meel ka baxsan bartilmaameedkooda.

Sidoo kale, guuldarrada wadahadallada xabbad-joojinta ee dhammaadkii usbuuca ayaa sababay inay dib u soo labakleyso xiisaddan milatari.

Dhinaca kale, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa gantaal nooca Hellfire ah ku dhuftay markab shidaal oo laga leeyahay dalka Botswana, kaasi oo iska dhegatiray digniino isdaba joog ah. Weerarkan ayaa qeyb ka ah go’doomin adag oo Washington ay ka waddo Marinka Hormuz, halkaas oo ay ku joojisay maraakiib dhowr ah oo ku sii jeeday dalka Iiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa beeniyay dalabyada cusub ee ka yimid dhanka Mareykanka ee ku saabsan barnaamijkooda nukliyeerka.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo ka hor hadlayay Kongareeska, ayaa sheegay inaan Iiraan loo ballanqaadin in cunaqabateynta laga qaadayo ilaa ay ka fuliso shuruudaha adag ee horyaalla, isagoo ku adkeystay in xaaladda hadda taagan si dhow loo maamulo.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.