Wararka24: Taliska Qaybta Baarista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya, qaybta Galmudug, ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan dhammaan musharraxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka Galmudug, kaas oo lagu farayo inay maraan baaritaan dhanka dambiyada ah kahor inta aysan billaabin ololahooda doorashada.
Warqad rasmi ah oo kasoo baxday CID-da Galmudug ayaa lagu sheegay in baaritaannadan looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo in musharraxiintu aysan xiriir ama ku lug lahayn kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana aysan lahayn diiwaanno dambiyeed oo saameyn kara amniga iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.
Taliska CID-da ayaa sidoo kale faray dhammaan musharraxiinta inay tagaan xarunta CID-da ee magaalada Dhuusamareeb si loogu sameeyo baaritaanka lagama maarmaanka ah, loogana siiyo shahaadada dambi la’aanta, taas oo laga dhigay shuruud muhiim u ah ka qeybgalka doorashada.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga iyo daahfurnaanta doorashooyinka, isla markaana looga hortagayo in shaqsiyaad xiriir la leh kooxaha hubeysan ay ku dhex milmaan hay’adaha dowladeed.
Amarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Galmudug ay waddo diyaar-garowga doorashada Golaha Wakiillada, iyadoo maamulka uu ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si waafaqsan sharciga iyo habraacyada amniga.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sidoo kale ugu baaqay musharraxiinta inay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adaha baarista, si loo dedejiyo habraaca loona xaqiijiyo doorasho lagu kalsoonaan karo. Dowladda Galmudug ayaa hore u sheegtay inay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta amniga inta lagu jiro geeddi-socodka doorashada, iyadoo la adkeynayo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo kalsoonida shacabka


















