• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Golihiisa Wasiirrada iyo Qodabada laga hadlay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Golihiisa Wasiirrada iyo Qodabada laga hadlay
Share

Wararka24: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta kulan la yeeshay xubnihii Golaha Wasiirrada ee hore iyo wasiirrada cusub, isagoo uga mahadceliyay masuuliyiintii hore shaqadii ay soo qabteen, isla markaana tilmaamay in khibraddooda looga faa’iideysan doono horumarinta dowladnimada iyo adeegyada bulshada.

Kulanka uu la qaatay wasiirradii hore ayaa lagu bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen dhismaha hay’adaha dowladda iyo horumarinta maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirradii hore ayaa dhankooda muujiyay inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan maamulka cusub, kana qeyb qaadan doonaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada bulshada iyo horumarka deegaannada.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay Golaha Wasiirrada cusub, isagoo kala hadlay mudnaanta horyaalla xukuumadda iyo sidii loo dardargelin lahaa fulinta qorshayaasha horumarineed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada, adkeynta maamul-wanaagga iyo isku dubbaridka qorshayaasha wasaaradaha.

Aadan Madoobe ayaa wasiirrada cusub ku boorriyay inay waajibaadkooda u gutaan si hufan oo daacadnimo ku dheehan tahay. Wuxuu sidoo kale faray inay mudnaan siiyaan adeegyada bulshada, isla-xisaabtanka iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee dowladda, si loo daboolo baahiyaha shacabka.

Wasiirrada cusub ayaa uga mahadceliyay hoggaamiyaha kalsoonida uu siiyay, iyagoo ballanqaaday inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan horumarinta hay’adaha dowladda, kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo xaqiijinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.