Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Cammaan ee dalka Urdun, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun, Sarreeye Guud Yuusuf Al-Xunaydi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal.
War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada qalabka sida ee Urdun ayaa lagu sheegay in kulanka lagu falanqeeyay xaaladaha amni ee gobolka iyo caalamka, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada tababarka, is-dhaafsiga khibradaha milatari iyo horumarinta awoodda ciidamada.
Taliyaha ciidamada Urdun ayaa sheegay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadan karo kor u qaadidda amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan xilligan ay jiraan caqabado amni oo isa soo taraya.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay heerka xirfadeed ee ciidamada Urdun, isaga oo xusay in Soomaaliya ay danaynayso inay ka faa’iidaysato khibradda Urdun ee dhinacyada tababarka, tayeynta ciidamada iyo horumarinta awoodda difaaca.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay adkeynta xiriirka iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Urdun. Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale saxiixay diiwaanka martida sharafta ee taliska ciidamada Urdun, taas oo muujinaysa xoojinta xiriirka labada dal ee dhinaca amniga iyo milatariga.


















