• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Soomaaliya iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis cusub oo dhoofinta kalluunka ah

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Daawo: Soomaaliya iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis cusub oo dhoofinta kalluunka ah
Share

Wararka24: Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo u oggolaanaya in badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliya loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyadoo laga dhaafayo canshuuraha, sida ay sheegtay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku kala saxiixday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee badeecadaha kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah u helaan fursad ay canshuur-dhaaf ugu galaan suuqa Shiinaha. Sida wasaaraddu sheegtay, arrintan ayaa la filayaa inay kordhiso dhoofinta kalluunka, korna u qaaddo tartanka iyo dakhliga kalluumeysatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in heshiisku uu abuuri doono fursado cusub oo maalgashi iyo iskaashi oo dhinaca kalluumeysiga ah, isla markaana uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha buluugga ee dalka.

Dhankiisa, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, ayaa sheegay in heshiiskan uu fududeyn doono ganacsiga labada dal, islamarkaana uu xoojin doono iskaashiga dhaqaale iyo is-weydaarsiga ganacsiga.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa ugu dambeyn ku tilmaantay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo dhoofinta badeecadaha Soomaaliyeed, laguna abuurayo fursado shaqo iyo horumar dhaqaale oo waara.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.