• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Go’aanka Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid oo saameyn ku yeeshay doodda doorashooyinka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Go’aanka Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid oo saameyn ku yeeshay doodda doorashooyinka
Share

Wararka24: Kulamo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay yeesheen wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka socday dowladda Turkiga, ayaa la sheegay inay horseedeen isbeddel cusub oo ku saabsan doodda siyaasadeed ee la xiriirta hannaanka doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid ay u muuqdaan kuwo taageersan hannaanka doorasho qof iyo cod ah iyo nidaamka xisbiyada badan, oo ay Dowladda Federaalka hore u sheegtay inay hiigsanayso.

Haddii mowqifkaasi sii adkaado, wuxuu saameyn ku yeelan karaa wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo qaba in aan weli la gaarin waqtigii dalka laga hirgelin lahaa doorasho noocaas ah.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii uu xilka hayay sidoo kale muujiyay taageerada uu u hayo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, inkastoo xilligaas ay jireen caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo hakiyay qorshahaasi. Sidaas darteed, mowqifka hadda loo nisbeynayo wuxuu la jaanqaadayaa aragtidii uu hore u qabay ee ku aaddan dib-u-habeynta nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in isbeddelkan uu yimid xilli ay jireen kala aragti duwanaansho ka dhex taagan qaar ka mid ah mucaaradka, gaar ahaan doorka ay ku yeelanayaan wada-hadallada siyaasadeed ee soo socda. Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay dadaal ugu jirto ballaarinta ka qeybgalka dhinacyada siyaasadda si loo abuuro jawi wadatashi oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

Dhanka kale, maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku adkeysanaya in xaaladda amni iyo tan siyaasadeed aysan u saamaxayn qabashada doorasho qof iyo cod ah waqtigan, iyagoo taageersan hannaan ku saleysan is-afgarad siyaasadeed. Waxaa la filayaa in kulanka dowladda iyo saamileyda siyaasadda ee loo qorsheeyay 20-ka bishan diiradda lagu saaro qodobadan, iyadoo dadaallo dhexdhexaadin iyo isu soo dhowaansho ay weli socdaan.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.