• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah
Share

Wararka24: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mauritania, Maxamed Saalim Marzuuq, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, ahna Danjiraha aan degganeyn ee Mauritania, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dowladood.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga diblomaasiyadeed iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Mauritania ee dhinacyo kala duwan.

Intii uu socday kulanka, Soomaaliya iyo Mauritania ayaa kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad (MoU), kuwaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal. Heshiisyada ayaa diiradda lagu saaray amniga, la dagaallanka argagixisada, kalluumeysiga, batroolka iyo waxbarashada.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in booqashadiisu ay qayb ka tahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa gobolka, si loo xoojiyo iskaashiga siyaasadeed, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Labada dowladood ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta heshiisyada la saxiixay, iyagoo sheegay inay muhiim u yihiin horumarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mauritania, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan kor u qaadista danaha wadajirka ah ee labada dal.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.