• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Kooxo tuugo ah oo Muqdisho ku adeegsaday magaca NISA si ay u dhacaan shacabka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Kooxo tuugo ah oo Muqdisho ku adeegsaday magaca NISA si ay u dhacaan shacabka
Share

Wararka24: Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhay qaab cusub oo ay adeegsanayaan kooxo tuugo ah oo lagu eedeeyay inay iska dhigaan xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), si ay u dhacaan shacabka.

Sida ay sheegeen laamaha amniga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa muddooyinkii u dambeeyay kordhay cabashooyinka la xiriira dad lagu dhacay magaca hay’adaha amniga, gaar ahaan NISA. Kooxahan ayaa la sheegay inay adeegsadaan xeelado cusub oo ka duwan hababkii hore ee dhaca.

Wararka ayaa tilmaamaya in kooxahan ay bartilmaameedsadaan dadka wata taleefannada casriga ah ama loo arko inay lacag haystaan. Waxay isku sheegaan saraakiil amni, iyagoo ku andacoonaya inay wadaan baaritaanno la xiriira amniga ama tuhuno argagixiso.

Dhibbanayaasha ayaa la farayaa inay wareejiyaan taleefannadooda iyo furaha sirta ah, iyadoo loogu sheegayo in la baarayo xogta ku jirta. Sidaas ayay kooxahaasi ku helaan fursad ay uga xadaan lacagaha ku jira adeegyada elektaroonigga ah ama ay uga qaataan agab kale oo ay wataan.

Laamaha amniga ayaa sheegay in kooxahaasi inta badan aysan xirneyn darees rasmi ah, balse ay ku labistaan dhar shacab oo u eg kuwa ay xirtaan qaar ka mid ah ciidamada amniga, taas oo shacabka ku abuureysa kalsooni ama cabsi ay ku hoggaansamaan amarrada loo jeedinayo.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa ugu baaqay shacabka inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan, ayna hubiyaan aqoonsiga qof kasta oo sheeganaya inuu ka tirsan yahay hay’adaha amniga. Waxay sidoo kale ku booriyeen muwaadiniinta inaysan taleefannadooda ama xogtooda gaarka ah ku wareejin cid aan si rasmi ah loo aqoonsan.

Laamaha amniga ayaa xusay in baaritaan kasta oo sharci ah lagu sameeyo goobaha rasmiga ah ee amniga ama baraha koontaroolka ee la yaqaan. Waxay shacabka ugu baaqeen in qofkii la kulma dhacdo noocan oo kale ah uu si degdeg ah ugu wargeliyo saldhigga booliska ee ugu dhow ama laamaha amniga, si tallaabo sharci ah looga qaado kooxaha ku howlan falalkan.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.