Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Faroole oo sheegay inay dowlad sharci ah ka jirin Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa dhaliilo culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay ka leexatay hannaankii dastuuriga ahaa.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 8, 2026, 4:39 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Faroole oo sheegay inay dowlad sharci ah ka jirin Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa dhaliilo culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay ka leexatay hannaankii dastuuriga ahaa.

Faroole ayaa sheegay in aanay jirin dowlad sharci ah oo ka jirta Muqdisho, isagoo ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku tumatay dastuurka isla markaana ay wiiqday nidaamka federaalka ee dalka.

“Dowlad sharci ah kama jirto Xamar, maamulladii kalena waa la juujuubay. Puntland ayaa ah meesha keliya ee ka nabad qabta dalka,” ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka Puntland ay garab istaagaan maamulkooda, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida deegaanka. Wuxuu sheegay in nabadda Puntland ay muhiim u tahay shacabka, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago wax kasta oo carqaladeyn kara.

“Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Puntland in nabadda la ilaaliyo, cid kasta oo isku dayda inay qalalaase abuurtona laga feejignaado,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa hadalladan ka jeediyay kulan ay yeesheen waxgaradka gobolka Nugaal, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed, arrimaha amniga iyo sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo xasilloonida Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Xiisadda ayaa sii xoogeysatay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isku khilaafsan yihiin arrimo ay ka mid yihiin dastuurka, nidaamka federaalka iyo maamulka ciidamada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

6 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

7 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.