Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo maanta lagu aasay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb-galay salaadda janaasada Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 7, 2026, 5:14 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo maanta lagu aasay Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb-galay salaadda janaasada Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumka uu door muuqda ku lahaa dadaallada nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in uu kaalin weyn ka qaatay xoojinta dowladnimada iyo dhismaha nabadda dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay Imaam Maxamed Yuusuf Cali uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed ku xusuusan doonto, gaar ahaan kaalintii uu ku lahaa isu soo dhawaanshaha bulshada iyo xalinta khilaafaadka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi iyo tiiraanyo u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, islamarkaana uu siiyo samir iyo iimaan dhammaan dadka uu ka geeriyooday.

Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo ahaa Imaamka beesha Mudulood kana mid ahaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ugu caansan, ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday dalka Hindiya, halkaas oo muddooyinkii dambe lagu dabiibayay xaaladdiisa caafimaad.

Marxuumka ayaa muddo dheer ka shaqeynayay nabadeynta bulshada, xoojinta wadajirka iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed, waxaana si weyn loogu xusuusan doonaa doorkii uu ka qaatay arrimaha dhaqanka, xalinta khilaafaadka iyo dadaalladii lagu taageerayay nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.