• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la joojiyay isticmaalka magaca “madaxweyne” ee hore loogu adeegsan jiray madaxda dowlad-goboleedyada dalka, iyadoo hadda kadib loogu yeeri doono “hoggaamiyeyaal”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa sheegay in isbeddelkan uu salka ku hayo qodobbo ku jira dastuurka cusub ee dhowaan la ansixiyay. Sida uu sheegay, magaca cusub ayaa si rasmi ah loogu adeegsan doonaa dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada.

Wasiirka ayaa xusay in nidaamkan cusub uu quseeyo dhammaan dowlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan kuwa aan weli taageersaneyn dastuurka cusub. Wuxuu tilmaamay in ereyga “hoggaamiye” uu noqon doono magaca rasmiga ah ee lagu aqoonsanayo madaxda maamullada dalka.

Dastuurka cusub ee uu hore u saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhigaya in madaxda dowlad-goboleedyada aan loo adeegsan karin magaca “madaxweyne”, balse loo aqoonsan doono “hoggaamiyeyaal”.

Muddo dheer ayay madaxda dowlad-goboleedyadu u adeegsanayeen magaca madaxweyne, hase yeeshee isbeddelka dastuuriga ah ee cusub ayaa wax ka beddelay habka loo magacaabayo, iyadoo laga bilaabo dhaqan-galka qodobkan ay meesha ka baxayso adeegsiga magacaasi.

Dastuurkan cusub ayaa weli wajahaya dood iyo mucaaradad siyaasadeed, waxaana ka horyimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo madax hore oo dalka soo hoggaamiyay. Sidoo kale, maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa hore u sheegay in aysan aqoonsanayn wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurkii lagu heshiiyay sanadkii 2012.

Doodda la xiriirta dastuurka iyo qaabka maamulka federaalka ayaa weli ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la filayo in arrintan ay sii dhaliso falcelinno siyaasadeed oo kala duwan.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.