Wararka24: Laba xubnood oo la sheegay inay hore uga tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan.
Labada xubnood ayaa lagu kala magacaabay Ibraahim Maxamuud Maxamed iyo Cabdikariin Amiin Nuur, kuwaas oo la sheegay inay si iskood ah isu soo dhiibeen ciidamada dowladda.
Sida ay baahisay idaacadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xubnahan waxaa la wareegay Ururka 54-aad ee Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha Ururka 54-aad ee Guutada 5-aad, Laba Xiddigle Xuseen Xasan Shiiraar, ayaa warbaahinta u soo bandhigay labada nin, isaga oo sheegay inay hadda ku jiraan gacanta ciidamada dowladda, isla markaana la marin doono habraacyada ku aaddan dadka iska soo dhiiba kooxaha hubeysan.
Saraakiisha milateriga ayaan weli bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda labada xubnood iyo tallaabooyinka xiga ee laga qaadi doono.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay sii kordhinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan iyo deegaanno kale oo dalka ah.
Muddooyinkii dambe waxaa jiray xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay ciidamada dowladda, iyadoo saraakiisha ammaanka ay sheegaan in howlgallada ciidan iyo cadaadiska sii kordhaya ay sabab u yihiin kororka dadka ka baxaya kooxda.




















