Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhaba + sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 6, 2026, 2:33 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhaba + sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyadoo uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka ee loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.

Kadib soo dhaweynta, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Baydhaba, halkaas oo ay ka socdaan diyaar-garowga munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriira ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, taas oo ay ka qeyb galayaan madax federaal ah, madax dowlad-goboleedyo, diblumaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sidoo kale maanta gaaray Baydhaba, isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda federaalka oo ka qeyb galaya munaasabadda.

Magaalada Baydhaba waxaa ku sugan madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo u yimid ka qeyb-galka xafladda.

Dhanka kale, ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo amniga munaasabadda iyo badqabka madaxda iyo martida kasoo qeyb galeysa.

Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo Baydhaba ay martigelineyso wufuud iyo mas’uuliyiin heerar kala duwan leh.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.