Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyadoo uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka ee loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.
Kadib soo dhaweynta, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Baydhaba, halkaas oo ay ka socdaan diyaar-garowga munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriira ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, taas oo ay ka qeyb galayaan madax federaal ah, madax dowlad-goboleedyo, diblumaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sidoo kale maanta gaaray Baydhaba, isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda federaalka oo ka qeyb galaya munaasabadda.
Magaalada Baydhaba waxaa ku sugan madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo u yimid ka qeyb-galka xafladda.
Dhanka kale, ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo amniga munaasabadda iyo badqabka madaxda iyo martida kasoo qeyb galeysa.
Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo Baydhaba ay martigelineyso wufuud iyo mas’uuliyiin heerar kala duwan leh.
























