Wararka24: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bilaabay diyaar garow cusub oo la xiriira howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay guluf dagaal oo lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii lagu guda jiray munaasabadihii toddobaadka xorriyadda sheegay in dowladda federaalka ay qorsheyneyso howlgal ballaaran oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro khatarta ay Al-Shabaab ku hayso amniga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta, dadka Soomaaliyeedna dhawaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kadib hadalka madaxweynaha, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay furimaha hore ee degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidamada, iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha ku sugan jiidaha hore ee dagaalka. Waxay sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay u diyaar garoobaan wejiga cusub ee howlgallada qorshaysan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dhammaan qeybaha ciidamada looga baahan yahay inay sare u qaadaan heerkooda diyaar garow, maadaama howlgalada la qorsheynayo ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.
Dhankiisa, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay dhistay ciidan leh awood iyo qalab ku filan oo ka howlgeli kara guud ahaan dalka. Wuxuu xusay in dowladda ay sii wadeyso dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dib u soo celinta deegaannada ay weli ka jiraan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.
Kormeerkan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ay ku dhawaaqday qorsheyaal cusub oo lagu dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la filayo in toddobaadyada soo socda la soo bandhigo faahfaahinta howlgalada cusub ee la qorsheeyay.


















