• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo heshiis ka gaaray xoojinta tababarada booliska + sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 4 mins read
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo heshiis ka gaaray xoojinta tababarada booliska + sawiro
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca tababarka ciidamada booliska, iyadoo labada dhinac ay ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah horumarinta hay’adaha amniga iyo fulinta sharciga.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka wadajirka ah, heshiiska ayaa dhigaya hannaan iskaashi oo xoogga saaraya tababarrada aqooneed iyo kuwa xirfadeed ee ciidamada booliska, diyaarinta macallimiinta bixiya tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha iyo booqashooyinka waxbarasho.

Qodobada heshiiska ayaa sidoo kale ka kooban qabanqaabinta shirar, siminaarro, aqoon-is-weydaarsiyo iyo tababaro heer sare ah oo lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha ciidamada booliska ee labada dal.

Labada dowladood ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo maamula hirgelinta heshiiska, qiimeeya heerka uu marayo iskaashiga isla markaana qorsheeya wejiyada xiga ee wada-shaqeynta. Guddigaasi ayaa ka koobnaan doona wakiillo ay soo magacaabaan hay’adaha ay khuseyso ee labada dhinac.

War-murtiyeedka ayaa xusay in dhammaan hawlaha la xiriira iskaashiga ay waafaqsan yihiin shuruucda gudaha ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, xeerarka caalamiga ah iyo waajibaadka ka saaran dowladda Talyaaniga ee xubinnimada Midowga Yurub.

Sidoo kale, heshiiska ayaa lagu adkeeyay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista xogta shakhsiga ah inta lagu guda jiro fulinta barnaamijyada iskaashiga. Waxaa lagu heshiiyay in heshiisku dhaqan geli doono muddo shan sano ah, iyadoo dib loo cusboonaysiin karo marka muddadaasi dhammaato.

Saxiixa heshiiskan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya iyo Talyaanigu ay sii xoojinayaan xiriirkooda dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo dhismaha awoodda ciidamada ammaanka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.