Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii ka dhacay magaalada Dimishiq, garab istaagna u muujisay Suuriya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qarax ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, kaas oo lagu beegsaday maqaaxi ay ku sugnaayeen dad rayid ah, iyadoo muujisay garab istaag ay u fidisay dowladda iyo shacabka Suuriya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 4, 2026, 3:31 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii ka dhacay magaalada Dimishiq, garab istaagna u muujisay Suuriya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qarax ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, kaas oo lagu beegsaday maqaaxi ay ku sugnaayeen dad rayid ah, iyadoo muujisay garab istaag ay u fidisay dowladda iyo shacabka Suuriya.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Dowladda Suuriya ee SNA, qaraxa ayaa ka dhashay walax qaraxda oo lagu dhex aasay maqaayadda, waxaana ku dhintay ugu yaraan afar qof halka 11 kale ay ku dhaawacmeen.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay weerarkaasi, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn falalka rabshadaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda Suuriya iyo qoysaska ay saameeyeen dhacdada, iyadoo sidoo kale u rajeysay dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho buuxda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay si adag u diidan tahay dhammaan falalka argagixisada iyo weerarrada lagu beegsado shacabka, iyada oo ku baaqday in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda Suuriya xilligan adag, isla markaana ay taageersan tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka dalkaasi.

Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Dimishiq, iyadoo laamaha ammaanka Suuriya ay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay weerarka.

Suuriya ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay xaalad amni oo ka duwan sanadihii hore, waxaana dhacdadan ay kusoo aadaysaa xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo dib-u-soo kabashada dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.