• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii ka dhacay magaalada Dimishiq, garab istaagna u muujisay Suuriya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii ka dhacay magaalada Dimishiq, garab istaagna u muujisay Suuriya
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qarax ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, kaas oo lagu beegsaday maqaaxi ay ku sugnaayeen dad rayid ah, iyadoo muujisay garab istaag ay u fidisay dowladda iyo shacabka Suuriya.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Dowladda Suuriya ee SNA, qaraxa ayaa ka dhashay walax qaraxda oo lagu dhex aasay maqaayadda, waxaana ku dhintay ugu yaraan afar qof halka 11 kale ay ku dhaawacmeen.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay weerarkaasi, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn falalka rabshadaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda Suuriya iyo qoysaska ay saameeyeen dhacdada, iyadoo sidoo kale u rajeysay dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho buuxda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay si adag u diidan tahay dhammaan falalka argagixisada iyo weerarrada lagu beegsado shacabka, iyada oo ku baaqday in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda Suuriya xilligan adag, isla markaana ay taageersan tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka dalkaasi.

Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Dimishiq, iyadoo laamaha ammaanka Suuriya ay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay weerarka.

Suuriya ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay xaalad amni oo ka duwan sanadihii hore, waxaana dhacdadan ay kusoo aadaysaa xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo dib-u-soo kabashada dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.