Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wasiir Jaamac oo Turkiga ku saxiixay laba heshiis oo a’ad muhim u ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa maanta dalka Turkiga ku saxiixay laba heshiis oo la xiriira horumarinta tacliinta sare ee culuumta baddaha iyo xoojinta sharciga maamulka baddaha Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 4, 2026, 2:04 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Wasiir Jaamac oo Turkiga ku saxiixay laba heshiis oo a’ad muhim u ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa maanta dalka Turkiga ku saxiixay laba heshiis oo la xiriira horumarinta tacliinta sare ee culuumta baddaha iyo xoojinta sharciga maamulka baddaha Soomaaliya.

Heshiisyada ayaa lala galay Jaamacadda Piri Reis iyo xarunta cilmi-baarista sharciga baddaha ee DEHUKAM, kuwaas oo ka mid ah hay’adaha ku takhasusay arrimaha baddaha ee dalka Turkiga.

Heshiiska ugu horreeya ayaa diiradda saaraya horumarinta waxbarashada iyo tababarrada la xiriira culuumta baddaha, iyadoo shaqaalaha Wasaaradda Dekedaha iyo howl-wadeennada dekadaha dalka ay heli doonaan fursado waxbarasho iyo tababarro ay bixiso Jaamacadda Piri Reis.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in iskaashigan uu ka qeyb qaadan doono kor u qaadista tayada aqoonta iyo xirfadaha la xiriira maamulka dekedaha, gaadiidka badda iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka.

Dhanka kale, heshiiska lala galay xarunta DEHUKAM ayaa xoogga saaraya dhinacyada sharciga, talo-bixinta iyo dib-u-eegista xeerarka khuseeya maamulka baddaha Soomaaliya. Xaruntan ayaa la filayaa inay ka taageerto dowladda Soomaaliya horumarinta nidaam sharciyeed oo casri ah oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in heshiisyadan ay saldhig u noqon doonaan dhismaha aqoonta, xirfadaha iyo sharciyada lagu maamulayo khayraadka badda Soomaaliya, si loo helo shaqaale aqoon leh iyo hannaan maamul oo hufan.

Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in iskaashigan uu xoojin doono dadaallada lagu ilaalinayo kheyraadka badda iyo horumarinta adeegyada la xiriira dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.

Labada heshiis ayaa sidoo kale muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.