Wararka24: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dardargelinta nadaafadda caasimadda iyo kor u qaadista bilicda magaalada.
Shirka oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeennada maamulka, xoghayaha guud, taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka iyo agaasimeyaal ka tirsan Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha nadaafadda, dhaqan-gelinta xeerarka la xiriira maareynta qashinka, iyo xal u helidda dhibaatada xoolaha sida sharci-darrada ah ugu dhex wareega magaalada.
Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay shirka ayaa falanqeeyay caqabadaha hortaagan nadaafadda Muqdisho iyo tallaabooyinka lagu gaari karo isbeddel muuqda oo lagu horumarinayo bilicda caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in ilaalinta nadaafaddu ay tahay waajib wada saaran maamulka, ganacsatada iyo bulshada inteeda kale, isagoo xusay in si adag loo dhaqan-gelin doono xeerarka lagu ilaalinayo deegaanka iyo muuqaalka magaalada.
Muungaab ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulka Gobolka Banaadir uusan u dulqaadan doonin falalka wax u dhimaya nadaafadda iyo bilicda caasimadda, isagoo faray hay’adaha ay khuseyso inay si wadajir ah u fuliyaan go’aannada kasoo baxay shirka.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Gobolka Banaadir uu ku doonayo in lagu horumariyo adeegyada bulshada iyo muuqaalka guud ee magaalada Muqdisho.





















