Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Muungaab oo dardargelinaya qorshaha nadaafadda Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dardargelinta nadaafadda caasimadda iyo kor u qaadista bilicda magaalada.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 2, 2026, 4:37 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Muungaab oo dardargelinaya qorshaha nadaafadda Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dardargelinta nadaafadda caasimadda iyo kor u qaadista bilicda magaalada.

Shirka oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeennada maamulka, xoghayaha guud, taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka iyo agaasimeyaal ka tirsan Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha nadaafadda, dhaqan-gelinta xeerarka la xiriira maareynta qashinka, iyo xal u helidda dhibaatada xoolaha sida sharci-darrada ah ugu dhex wareega magaalada.

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay shirka ayaa falanqeeyay caqabadaha hortaagan nadaafadda Muqdisho iyo tallaabooyinka lagu gaari karo isbeddel muuqda oo lagu horumarinayo bilicda caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in ilaalinta nadaafaddu ay tahay waajib wada saaran maamulka, ganacsatada iyo bulshada inteeda kale, isagoo xusay in si adag loo dhaqan-gelin doono xeerarka lagu ilaalinayo deegaanka iyo muuqaalka magaalada.

Muungaab ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulka Gobolka Banaadir uusan u dulqaadan doonin falalka wax u dhimaya nadaafadda iyo bilicda caasimadda, isagoo faray hay’adaha ay khuseyso inay si wadajir ah u fuliyaan go’aannada kasoo baxay shirka.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Gobolka Banaadir uu ku doonayo in lagu horumariyo adeegyada bulshada iyo muuqaalka guud ee magaalada Muqdisho.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.