Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday saldhigga Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo maanta dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 2, 2026, 4:24 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday saldhigga Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo maanta dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saldhigga la weeraray ayaa waxaa ku sugan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka uu ku billowday qaraxyo xooggan, waxaana xigay dagaal iyo is-rasaaseyn dhex martay ciidamada difaacayay saldhigga iyo kooxihii weerarka soo qaaday. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugo culus iyo rasaas muddo socotay.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo lagu xaqiijiyay tirada saxda ah ee khasaaraha ka dhashay weerarka.

Xaaladda deegaanka ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ay dib u riixeen kooxihii weerarka soo qaaday, kuwaas oo la sheegay inay ka baxsadeen goobta dagaalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM ayaa sidoo kale wada dhaq-dhaqaaqyo amni oo lagu baadi-goobayo xubnihii ka qeyb qaatay weerarka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro ku qaadday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, gaar ahaan deegaannada ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda ay howlgallo amni ka wadaan waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Marka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga gobolka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.