• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Diyaaradaha dagaalka F-16 oo ka qeyb galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Daawo: Diyaaradaha dagaalka F-16 oo ka qeyb galay dabaal-degga 1-da Luulyo
Share

Wararka24: Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, gaar ahaan kuwa F-16 ee loogu deeqay ciidamada cirka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb qaatay munaasabadda xuska 66-guurada 1-da Luulyo, iyagoo bandhig hawada ah ka sameeyay magaalada Muqdisho.

Bandhigga ayaa qeyb ka ahaa dabaal-degga maalinta xorriyadda, waxaana diyaaradaha lagu arkay iyagoo dul maraya qaybo ka mid ah caasimadda, xilli ay shacabka iyo madaxda qaranka ka daawanayeen munaasabadda ka socotay Taalada Daljirka Dahsoon.

Diyaaradahaasi ay sameeyeen dhoolla-tus hawada ah oo ay ku xambaarsanaayeen astaamo la xiriira maalmaha xorriyadda iyo calanka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ka qeybgalka bandhigga uu muujinayo horumarka lagu sameeyay dib u dhiska awoodda ciidamada cirka, kuwaas oo sanadihii dambe dib loo tayeynayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda, iyagoo daawanayay bandhigyada ay soo diyaariyeen ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa qeyb ka ahaa cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida, gaadiid ciidan iyo fardo, kuwaas oo socod ku maray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Xuska sanadkan ayaa ku soo aaday xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sii waddo qorshayaasha lagu horumarinayo tayada ciidamada iyo qalabka ay isticmaalaan, iyadoo la xoojinayo awoodaha amniga iyo difaaca qaranka.


Share

Recommended

Itoobiya oo xirtay 138 qof oo lagu eedeeyay xiriir argagixiso

Itoobiya oo xirtay 138 qof oo lagu eedeeyay xiriir argagixiso

5 months ago
Khilaaf ka dhex qarxay Aqalka Cad oo la xiriira dagaalka Iiraan

Khilaaf ka dhex qarxay Aqalka Cad oo la xiriira dagaalka Iiraan

6 months ago
Dagaalka Iran oo Sare u Qaaday Qiimaha Shidaalka Muqdisho

Dagaalka Iran oo Sare u Qaaday Qiimaha Shidaalka Muqdisho

6 months ago
Farmaajo oo wada dadaallo lagu soo dhoweynayo Xasan Sheekh, Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergo u diray Golaha Mustaqbalka

7 months ago
DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

7 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab + SAWIRO

1 year ago
NISA

Maxa kajira In ciidan NISA Katirsan ay weerareen Dalka kenya + Khasaaraha lasheegay

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.