Wararka24: Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa ku baaqay in Gaza dib loo dhiso, iyadoo aan laga rarin Falastiiniyiinta ku nool gobolka. Baaqaan ayaa imanaya xilli muran iyo khilaaf ka taagan sidii loo dhisin lahaa Gaza iyo mustaqbalka shacabka Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Masar ayaa Talaadadan sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la bilaabo dib u dhiska Gaza,
Iyada oo aan la barakacineyn Falastiiniyiinta. “Barakacinta khasabka ah ee dadka xoog looga qaado dhulkooda waa dembi dagaal,” ayuu yiri, isagoo ku eedeeyay inay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Wicitaan teleefan oo uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, ayaa Madaxweynaha Masar oo ku baaqay in Gaza la dhiso uu ku dhiirrigeliyay in dadka reer Gaza loo dayo inay ku noolaadaan dhulkooda. “Dhismaha Dowladda Falastiin waa xalka keliya ee nabad waarta loogu soo dabaali karo Gobolka Bariga Dhexe,” ayuu yiri.
Hadalka Sisi ayaa imanaya ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku celiyay qorshihiisa ku aaddan in dadka reer Gaza loo raro dalalka Masar iyo Jordan. Trump ayaa sheegay in haddii Falastiiniyiintu diidaan qorshahaas, uu ka jari doono gargaarka uu Mareykanku siiyo labadaasi dal.
Dowladaha Masar iyo Jordan ayaa si adag uga horyimid in ay dib u dejin u sameeyaan qaxootiga reer Falastiin. Madaxweynaha Masar oo ku baaqay in Gaza la dhiso ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay in xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta ay tahay inay ku noolaadaan dhulkooda.
Trump ayaa maalmahaanba si is daba joog ah u sheegay in dalkiisu uu qaadanayo dib u dhiska Gaza. Waxaan doonaynaa in Gaza ay noqoto meel dhismo qurxoon oo horumarsan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan dalal kale oo ay suurtagal tahay in ay qaabilaan Falastiiniyiinta.
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin


















