Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Booliska oo gubay dawooyin maandooriye ah oo lagu qabtay dekedda Muqdisho + video

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay dawooyin maandooriye ahaan loo adeegsado oo hore loogu qabtay dekedda Muqdisho, kadib amar ka soo baxay maxkamad awood u leh oo faraysay in si fagaare ah loo burburiyo.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 30, 2026, 5:31 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Booliska oo gubay dawooyin maandooriye ah oo lagu qabtay dekedda Muqdisho + video
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay dawooyin maandooriye ahaan loo adeegsado oo hore loogu qabtay dekedda Muqdisho, kadib amar ka soo baxay maxkamad awood u leh oo faraysay in si fagaare ah loo burburiyo.

Dawooyinkan ayaa lagu gubay goob ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid looga hortagayo khatarta ay ku hayeen bulshada.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qiimaha dawooyinka la burburiyay uu gaarayo ku dhowaad 20 kun oo doollar, isagoo xusay in dawooyinkan si khaldan looga faa’iidaysan jiray, kana baxsaneyd ujeeddooyinkooda caafimaad.

Wuxuu tilmaamay in isticmaalka dawooyinkan uu sababi karo dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo nafsiyeed, isla markaana uu saameyn ku yeelan karo amniga iyo badqabka bulshada.

Dawooyinka la gubay waxaa ka mid ahaa kaniiniyada Pregabalin oo sidoo kale loo yaqaan “bilibili” iyo Tramadol, kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunno gaar ah, balse mararka qaar si qaldan loogu adeegsado ujeeddooyin maandooriye.

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada lagu qabto dawooyinka iyo walxaha maandooriyaha loo adeegsado, kuwaas oo inta badan dalka ka soo gala dekedaha iyo marinno kale oo ganacsi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xakameynayo maandooriyaha iyo waxyaabaha khatarta ku ah caafimaadka bulshada, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo shacabka si looga hortago faafitaanka dawooyinka si khaldan loo isticmaalo.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.