Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Beesha caalamka oo baaq u dirtay Xasan Sheekh iyo mucaaradka

Beesha caalamka ayaa farriimo u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo ku boorrisay in la bilaabo wada-hadal siyaasadeed oo lagu xallinayo ismari-waaga ka taagan arrimaha siyaasadda dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 30, 2026, 2:04 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Beesha caalamka oo baaq u dirtay Xasan Sheekh iyo mucaaradka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Beesha caalamka ayaa farriimo u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo ku boorrisay in la bilaabo wada-hadal siyaasadeed oo lagu xallinayo ismari-waaga ka taagan arrimaha siyaasadda dalka.

Warar ay heshay Wararka24 ayaa sheegaya in wakiillo ka socda beesha caalamka ay xiriir la sameeyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, si loo dardargeliyo diyaar-garowga wada-hadallo la filayo inay qabsoomaan toddobaadyada ugu horreeya bisha Luulyo.

Dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa diiradda saaraya sidii dowladda iyo mucaaradka loogu kulmin lahaa miiska wada-hadalka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada ka dhashay muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dhinacyada dhexdhexaadinta wada ay aqbaleen in Golaha Mustaqbalka uu noqdo dhinaca si rasmi ah u matalaya mucaaradka Soomaaliya ee wada-hadallada la gelaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida wararku tilmaamayaan, beesha caalamka ayaa dowladda u caddeysay inay xor u tahay la kulanka siyaasiyiin kale, hase yeeshee wada-hadallada rasmiga ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed ay si gaar ah u dhex mari doonaan Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Qorshahan ayaa lagu doonayaa in lagu yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay muranka doorashooyinka iyo dhammaadka muddo-xileedyada qaar ka mid ah hay’adaha dowladda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laga yaabo inuu door ku yeesho wada-hadalladan, inkastoo aanu si rasmi ah uga mid ahayn siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka.

Farmaajo ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u dhaliilayay siyaasadaha dowladda federaalka, isagoo marar kala duwan la kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

4 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

5 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.