Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa si adag uga horyimid tallaabada ay Somaliland sheegtay inay safaarad uga furtay magaalada Qudus, taas oo dhalisay dood iyo falcelin siyaasadeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 30, 2026, 12:48 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa si adag uga horyimid tallaabada ay Somaliland sheegtay inay safaarad uga furtay magaalada Qudus, taas oo dhalisay dood iyo falcelin siyaasadeed.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga Kaah, Ambassador Barkhad Maxamed Kaariye, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay ku deg-degtay go’aanno diblomaasiyadeed oo waaweyn oo u baahan qiimeyn iyo wadatashi ballaaran.

Ambassador Barkhad ayaa xusay in heshiisyada iyo tallaabooyinka la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda ay tahay inay noqdaan kuwo dhammaystiran, hufan, isla markaana lagu saleeyo danaha muddada dheer ee Somaliland.

Wuxuu ka digay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay yeelan karaan saameyn siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo fog, isaga oo ku baaqay in si taxaddar leh loo wajaho arrimaha la xiriira xiriirrada caalamiga ah.

Xisbiga Kaah ayaa sidoo kale ku eedeeyay xukuumadda inay soo bandhigayso siyaasad aan isku xiraneyn, isaga oo tilmaamay in hadallada iyo go’aannada qaarkood ay is burinayaan.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan ku baaqay in si qoto dheer loo daraaseeyo isbeddellada ka socda gobolka iyo dunida, si looga fogaado tallaabooyin wax u dhimi kara danaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dunidu ay marayso marxalad ay ka jiraan isbeddello siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xiriirrada diblomaasiyadeed iyo xisaabaadka istiraatiijiga ah ee gobolka.

Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay hoggaanka Somaliland inay mudnaan siiyaan ilaalinta danaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland, isla markaana ay si xeeldheer u qiimeeyaan heshiisyada iyo xiriirrada cusub ee ay la galayaan dalalka kale.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

4 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

4 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

5 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

5 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.