• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Kenya oo faahfaahisay masaafurinta Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Kenya oo faahfaahisay masaafurinta Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya
Share

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay masaafurinta Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid, iyadoo sheegtay inuu watay dukumentiyo Kenyan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu si sharci darro ah ku helay.

Bayaan ay soo saareen hay’adaha ammaanka Kenya ayaa lagu sheegay in Jibriil Cabdirashiid lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyo ay Kenya ku tilmaantay kuwo khatar ku ah amniga deegaannada ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sidoo kale ku eedeeyay inuu ku lug lahaa daabulista hub loo waday mid kamid ah magaalooyinka xadka, iyadoo la sheegay in hubkaasi loogu talagalay taageeridda maleeshiyaad beeleed. Dowladda Kenya ayaa arrintaasi ku tilmaantay mid halis gelin karta amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in mas’uulkan lala xiriirinayo iska horimaadyo hubeysan oo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo la sheegay inay sababeen dhimasho iyo barakac soo gaaray dad rayid ah.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo lagu doonayay in lagu hakiyo masaafurinta aysan guuleysan, taasoo keentay in ugu dambeyn dib loogu celiyo Soomaaliya.

Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya kama aysan soo saarin wax war rasmi ah oo ay kaga jawaabayaan eedeymaha ay dowladda Kenya soo bandhigtay.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu muhiim u yahay arrimaha amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.