• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan
Share

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay dilal lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool iyo rabshado ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah, lagu dilay weerarka ka dhacay Ari-Caddeeye.

Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in rabshadihii ka dhacay degmada Jalalaqsi ay sababeen dhimashada ugu yaraan 10 qof, iyadoo la gubay guryo ay lahaayeen dad rayid ah.

GMXIQ ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan beegsiga dadka rayidka ah, burburinta hantidooda, barakaca qoysaska iyo saameynta bani’aadannimo ee ka dhalatay dhacdooyinkan.

Guddigu wuxuu sheegay inuu sameeyay qiimeyn hordhac ah oo ku saabsan labada dhacdo, isla markaana uu sii wadi doono la socodka xaaladda iyo wada-shaqeynta hay’adaha ay khusayso.

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha inay si degdeg ah u joojiyaan rabshadaha, muujiyaan isxakameyn, isla markaana ilaaliyaan dadka rayidka ah iyo hantidooda, iyagoo u hoggaansamaya Dastuurka Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay hay’adaha awoodda u leh Maamul Goboleedka Waqooyi Bari inay sameeyaan baaritaanno madax-bannaan oo hufan si loo xaqiijiyo isla xisaabtan, loogana jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee qoysaska ay saameeyeen rabshaduhu.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay xoojiyaan dadaallada lagu dejinayo xiisadaha, laguna dhiirrigelinayo wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen dhibbanayaasha, wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay, isagoo adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta nabadda Soomaaliya.


Share

Recommended

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

2 months ago
IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

4 months ago
Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

6 months ago
Hirshabelle

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

2 years ago
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

2 years ago
NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

4 months ago
Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

6 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.