• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi heer wasiir ah u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si ay uga qaybgalaan munaasabad lagu xusay 49 guurada ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, waxaana qayb ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, Wasiiru-dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Cismaan Dubad, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay xarunta ciidamada Jabuuti ee ka tirsan Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Beledweyne, halkaas oo lagu maamuusay sannad-guurada 49-aad ee xornimada Jabuuti.

Ka qaybgalayaasha munaasabadda ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyagoo sidoo kale bogaadiyay kaalintii Soomaaliya ay ka qaadatay halgankii xornimo-doonka Jabuuti ee lagaga soo horjeeday gumeysigii Faransiiska.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qaybgalayo munaasabadaha lagu xusayo 49 sano guurada ka soo wareegtay xornimada dalkaasi oo ku beegan 27-ka Juun 1977.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga iyo iskaashiga gobolka.

Xilligan waxaa Soomaaliya ka socda munaasabado lagu xusayo maalmaha xorriyadda, iyadoo dhawaan la dabaal-degay 26-ka Juun, halka shacabka Soomaaliyeed ay isku diyaarinayaan xuska 1-da Luulyo oo astaan u ah midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.