• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo dalalka Carabta ka Dalbatay Inay Ka Fogaadaan xiriirka Somaliland

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo dalalka Carabta ka Dalbatay Inay Ka Fogaadaan xiriirka Somaliland
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta inay ka fogaadaan wax kasta oo fududeyn kara xiriir ama maalgashi lala yeesho Somaliland, iyadoo ku adkaysatay mowqifkeeda ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalka.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa hadalkan ka jeediyay furitaankii shirka Golaha Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada Amman ee dalka Jordan.

Mas’uulku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay walaac ka qabto dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo xiriirrada caalamiga ah ee Somaliland ay la sameyneyso dalal iyo hay’ado kala duwan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay weli qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna aan loo aqoonsan karin dal madax-bannaan.

Cali Balcad ayaa ugu baaqay dowladaha Carabta inay hubiyaan in dhulkooda, dekedahooda, shirkadahooda iyo nidaamyadooda maaliyadeed aan loo adeegsan maalgelin, sharciyeyn ama fududeyn wax kasta oo Soomaaliya u aragto xiriir aan waafaqsaneyn mowqifkeeda qaran.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay la jaanqaadayso mabda’a dhowrista madax-bannaanida iyo wadajirka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo horseedi karta aqoonsi ama sharciyeyn loo sameeyo dhaqdhaqaaqyada gooni isu taagga ah.

Wasiiru-dowlaha ayaa xusay in Soomaaliya aysan doonayn xiisad cusub ama iska horimaad siyaasadeed, balse ay xaq u leedahay difaaca madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Baaqan ayaa imanaya xilli ay Somaliland sii waddo dadaallada ay ku ballaarinayso xiriirradeeda dibadda iyo iskaashiyada ay la yeelanayso dhinacyo kala duwan. Arrintan ayaa weli kamid ah qodobbada ugu waaweyn ee muranka siyaasadeed ka dhex abuuray Muqdisho iyo Hargeysa.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.