• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: NISA oo qabatay walxo kiimiko ah oo loo waday Al-Shabaab

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Daawo: NISA oo qabatay walxo kiimiko ah oo loo waday Al-Shabaab
Share

Wararka24: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen walxo kiimiko ah oo loo adeegsado samaynta qaraxyada, kuwaas oo sida ay hay’addu sheegtay loo waday kooxda Al-Shabaab.

War ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in walxahaasi ay ka koobnaayeen in ka badan boqol jirgaan oo kiimiko ah, kuwaas oo lagu qabtay howlgal daba-gal iyo baaritaan socday muddo.

Hay’addu waxay sheegtay in walxahan lagu helay deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo sida ay sheegtay Al-Shabaab ku duugtay kadib markii ay ogaatay in laamaha ammaanka ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

NISA ayaa xustay in qabashada walxahan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda iyo sahayda ay u adeegsato fulinta weerarrada iyo falalka amni-darrada ee ka dhanka ah shacabka iyo ciidamada dowladda.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in howlgalka uu muujinayo kororka dadaallada dhinaca sirdoonka iyo amniga ee lagu ogaanayo laguna burburinayo shabakadaha taageera kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada ammaanka Soomaaliya ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha, sahayda iyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda ee gobollada dalka.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan walxaha kiimikada ah ee NISA sheegtay inay qabatay.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.