Wararka24: Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa si adag uga hadlay dhacdada garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan looga hor istaagay gelitaanka Mareykanka, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid dhaawac ku ah sumcadda iyo dadaalka bahda isboortiga Afrika.
Cumar Cartan, oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika, ayaa laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Miami kadib markii saraakiisha socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha Mareykanka ay sheegeen inay jiraan walaacyo la xiriira baaritaannada amniga. Kadibna waxaa dib loogu celiyay dalka Turkiga, inkastoo uu watay dukumiintiyo safar iyo fiiso sax ah sida uu sheegay.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid aan caddaalad ahayn, isla markaana saameyn ku yeelan karta ka qeybgalka ciyaartooyda, garsoorayaasha iyo mas’uuliyiinta Afrika ee tartamada caalamiga ah.
“Tallaabada Mareykanka looga soo celiyay Garsoore Cumar Cartan waa qalad weyn oo laga galay Afrika,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya, isagoo muujiyay taageerada uu u hayo garsooraha Soomaaliyeed.
Sidoo kale, qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiinta Afrika ayaa muujiyay walaac ku saabsan dhacdadan, iyagoo ku baaqay in dib loo eego go’aankaasi si loo ilaaliyo sinnaanta iyo fursadaha dadka ka qeybgalaya tartamada caalamiga ah.
Dhacdadan ayaa dhalisay dood xooggan oo ka taagan gudaha Afrika iyo dunida kubadda cagta, iyadoo taageerayaal badan ay u arkaan Cartan inuu yahay astaan muujinaysa kartida iyo horumarka ay gaareen dhalinyarada Soomaaliyeed.
Garsoore Cumar Cartan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono dadaalkiisa garsoornimo, isagoo rajo ka muujiyay inuu mustaqbalka ka qeyb galo tartamada waaweyn ee caalamiga ah.


















