• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Wednesday, August 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Maamulka Banaadir oo mamnuucay lo’da lagu sii daayo waddooyinka Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Maamulka Banaadir oo mamnuucay lo’da lagu sii daayo waddooyinka Muqdisho

Wararka Ugu Aqrintabadan

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

16 hours ago
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

2 days ago
Load More
Share

Wararka24: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu mamnuucayo in lo’da lagu sii daayo waddooyinka magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo nadaafadda, bilicda iyo badqabka caasimadda.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere), ayaa sheegay in go’aankan uu ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kadib wada-tashi lala yeeshay qoysaska dhaqda lo’da iyo dhinacyo kale oo ay khuseyso arrintan.

Maamulka ayaa sheegay in lo’da lagu sii daayo waddooyinka ay sababto wasakh iyo nadaafad-darro ka dhalata saxarada xoolaha, taas oo saameyn ku yeelata caafimaadka bulshada isla markaana dhaawacda muuqaalka guud ee magaalada.

Sidoo kale, maamulka ayaa xusay in xoolaha waddooyinka lagu daayo ay carqaladeeyaan isu socodka gaadiidka, mararka qaarna ay sababaan shilal iyo ciriiri saameeya badqabka shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sidoo kale tilmaamay in lo’du ay waxyeello u geysato geedaha iyo dhirta lagu beerayo magaalada, taas oo caqabad ku noqotay dadaallada lagu qurxinayo laguna dhiraynayo Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa amray in si buuxda loo mamnuuco lo’da lagu sii daayo waddooyinka caasimadda, iyadoo dadka dhaqda xoolaha la siiyay muddo laba toddobaad ah oo ka bilaabaneysa 16-ka Juun kuna eg 27-ka Juun 2026 si ay u xareeyaan xoolahooda.

Maamulka ayaa ka digay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay lo’ ku sii daysay waddooyinka marka ay dhammaato muddada loo qabtay, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo ilaaliyo nadaafadda iyo bilicda Muqdisho.

Share
Tags: caasimadda MuqdishoMadax weynaha Xasan Sheekhsomaliawararka caalamkaWararka maantawararka mantawararka somaliaWararka24 manta
Previous Post

Cumar Cartan oo lagu dhawaaqay inuu dhex-dhexaadin doono finalka Super Cup-ka Yurub

Next Post

Ruto oo so celinta Garsoore Cumar Cartan ku tilmaamay qalad laga galay Afrika oo dhan

Related Posts

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

by Amin Cali Abdi
16 hours ago

Wararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya,...

Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

by Amin Cali Abdi
2 days ago

Wararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba...

Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

by Amin Cali Abdi
2 days ago

Wararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho,...

Puntland oo la wareegtay taliskii saddexaad ee ciidama ka amarqaata DF oo ku yaalla Carmo

Puntland oo la wareegtay taliskii saddexaad ee ciidama ka amarqaata DF oo ku yaalla Carmo

by Amin Cali Abdi
4 days ago

Wararka24: Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla deegaanka Carmo ee gobolka...

Madaxweyne Cirro oo Soomaaliya ku eedeeyay faragelin lagu hayo Somaliland

Madaxweyne Cirro oo Soomaaliya ku eedeeyay faragelin lagu hayo Somaliland

by Amin Cali Abdi
4 days ago

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha...

Soomaaliya oo laba tartame u dirtay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Sacuudiga

Soomaaliya oo laba tartame u dirtay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Sacuudiga

by Amin Cali Abdi
5 days ago

Wararka24: Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sagootisay laba arday oo dalka ku matalaya...

Load More
Next Post
Ruto oo so celinta Garsoore Cumar Cartan ku tilmaamay qalad laga galay Afrika oo dhan

Ruto oo so celinta Garsoore Cumar Cartan ku tilmaamay qalad laga galay Afrika oo dhan

Daawo: NISA oo qabatay walxo kiimiko ah oo loo waday Al-Shabaab

Daawo: NISA oo qabatay walxo kiimiko ah oo loo waday Al-Shabaab

Itoobiya oo ka digtay dagaal cusub oo ka qarxa gobolka Tigray

Itoobiya oo ka digtay dagaal cusub oo ka qarxa gobolka Tigray

Recommended

Itoobiya oo Ciidamo Dhoobtay Xuduudda Waqooyi Iyadoo Xiisaddu Kacsan Tahay

Itoobiya oo Ciidamo Dhoobtay Xuduudda Waqooyi Iyadoo Xiisaddu Kacsan Tahay

5 months ago
Wasaaradda Tamarta oo qabatay kulanka mashruuca koronto-gelinta bulshooyinka aan korontada helin

Wasaaradda Tamarta oo qabatay kulanka mashruuca koronto-gelinta bulshooyinka aan korontada helin

5 months ago
Diyaarad sidday ciyaartooy oo ku burburtay Faransiiska iyo khasaraha

Diyaarad sidday ciyaartooy oo ku burburtay Faransiiska iyo khasaraha

1 month ago
Sacuudiga iyo laba dal oo ka faa’iiday dagaalka Iiraan, dalalka ku khasaaray

Sacuudiga iyo laba dal oo ka faa’iiday dagaalka Iiraan, dalalka ku khasaaray

4 months ago
Suuragal ma tahay in Madaxtooyada Baydhaba ay ilaaliyaan ciidan Soomaaliyeed?

Suuragal ma tahay in Madaxtooyada Baydhaba ay ilaaliyaan ciidan Soomaaliyeed?

4 months ago
Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo

Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo

6 months ago
Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo xilli ay siyaasadda kacsan tahay

Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo xilli ay siyaasadda kacsan tahay

4 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.