Wararka24: Maamulka Jubbaland ayaa eedeyn culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku andacooday in qalab kalluumeysi oo loogu talagalay dowlad-goboleedyada dalka aan la gaarsiin goobihii loogu talagalay.
Wasiirka Kalluumeysiga ee Jubbaland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ku sheegay in qalabkaasi uu qayb ka ahaa mashruucyo lagu taageerayo kalluumeysatada Soomaaliyeed, balse uu weli ka maqan yahay meelihii loo qorsheeyay in la geeyo.
Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu hore uga cabanayay habka loo maareeyo qaar ka mid ah qalabka iyo mashaariicda ay maalgelinayaan hay’adaha caalamiga ah. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay hufnaan iyo isla xisaabtan ku saabsan sida loo qaybinayo agabka loogu talagalay bulshada.
Sidoo kale wuxuu sheegay in cabashadan lala wadaagay hay’ado caalami ah oo ay ka mid tahay Bangiga Adduunka, isaga oo ku baaqay in la sameeyo baaritaan lagu xaqiijinayo halka ay mareen qalabkii iyo dhaqaalihii loogu talagalay horumarinta kalluumeysiga.
Masuulkan ayaa sheegay in qalab iyo gaadiid lagu maalgeliyay mashaariic horumarineed aan si siman loo gaarsiin deegaannada loogu talagalay, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid dhaawacaysa kalsoonida lagu qabo mashaariicda taageerada caalamiga ah.
Dhanka kale, Jubbaland ayaa ugu baaqday hay’adaha maalgelinta bixiya inay caddeeyaan habraacyada lagu maareeyay mashruucyada la xiriira kalluumeysiga, si loo xaqiijiyo in agabkaasi uu gaaro dadka loogu talagalay.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan tuhunno ku saabsan ku lug lahaanshaha hay’ado ka tirsan dowladda federaalka, hase yeeshee ma uusan soo bandhigin caddeymo rasmi ah oo taageeraya eedeymahaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha kasoo yeeray Jubbaland. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo maamul oo u dhexeeya Muqdisho iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.


















