• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Booliiska Waqooyi Bari oo ka digay faafinta muuqaallo amniga wax u dhimaya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Booliiska Waqooyi Bari oo ka digay faafinta muuqaallo amniga wax u dhimaya
Share

Wararka24: Taliska Ciidanka Booliiska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay inuu wado baaritaanno la xiriira shaqsiyaad iyo kooxo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin duubista iyo faafinta muuqaallo uu talisku ku tilmaamay kuwo wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanku ay heleen xog muujinaysa in muuqaalladaasi loo adeegsanayo ujeeddooyin lagu marin habaabinayo bulshada. Booliiska ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan cid kasta oo looga shakisan yahay inay door ku leedahay abaabulka, duubista ama baahinta waxyaabahaasi.

Taliska ayaa xusay in baaritaanno rasmi ah ay socdaan, isla markaana la ogaanayo dadka ku lugta leh arrintan. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in qof kasta oo lagu helo inuu qayb ka yahay falalkaasi loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo marsiiyo.

Booliiska Waqooyi Bari ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, ayna ka fogaadaan faafinta wax kasta oo ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen kuwo dhaawici kara nabadda iyo amniga bulshada. Taliska ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga.

Bayaanka ayaa kusoo aadaya xilli ay jireen doodo iyo falcelino bulsho oo ka dhashay muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada maalmihii la soo dhaafay. Arrimahaasi ayaa si weyn looga hadal hayay deegaannada maamulka Waqooyi Bari.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida iyo kala dambeynta, iyagoo xusay in tallaabo sharci laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal lid ku ah shuruucda iyo amniga deegaanka.

Taliska ayaa ugu dambeyn ku boorriyay shacabka inay xog kasta oo la xiriirta arrimaha amniga la wadaagaan laamaha ammaanka si loo xoojiyo nabadda iyo wadajirka bulshada.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.