Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Markale ciidamo isku horfadhiyo Mirinaayo kadib howlgalka hub ururinta+muuqal

Xaalada degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, gaar ahaan deegaanka Mirinaayo ayaa weli kacsan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo kala duwan kadib dhacdooyinkii amni ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degmadaas.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 6, 2026, 5:45 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Markale ciidamo isku horfadhiyo Mirinaayo kadib howlgalka hub ururinta+muuqal
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xaalada degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, gaar ahaan deegaanka Mirinaayo ayaa weli kacsan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo kala duwan kadib dhacdooyinkii amni ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degmadaas.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xiisaddu ay u dhexeyso ciidamada dowladda iyo ciidamo ilaalo u ah Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage. Dhaqdhaqaaqyada ciidanka ayaa la sheegay inay sare u kaceen kadib muran la xiriira baaritaanno ay ciidamada ammaanku ka wadaan deegaanka.

Ilo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo lagu baarayo guryo ku yaalla aaggaasi laguna arurinayo hubka sharci darada ah. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ilaalada u ah Odowaa ay diideen in la baaro gurigiisa, taas oo keentay khilaafka labada, cidamada aya laguso waramaya inay is horfadhiyaan.

Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in howlgalka socda uu yahay mid lagu ururinayo hub sharci darro ah. Booliska ayaa sheegay in hubkaasi lala xiriirinayo kooxo ku lug lahaa iska horimaadyo dhowaan ka dhacay degmada Cabdicasiis.

Qoraalka taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha ammaanku ay tallaabooyin sharci ah ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo hub sharci darro ah ama lagu tuhmo inay ku lug leedahay kaydintiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa. Dadweynaha ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo xoojiyo nabadgelyada.

Dhanka kale, xaaladda degmada Cabdicasiis ayaa weli saamayn ku leh dadka deegaanka, iyadoo qaar ka mid ah qoysaskii ka barakacay goobaha ay xiisaddu ka jirto aysan weli dib ugu laaban guryahooda. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo deganaanshaha iyo amniga deegaanka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

24 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.