Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Ruto oo difaacay qorshaha Mareykanka ee xarumaha karantiilka Ebola

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa difaacay qorshe lagu dhisayo xarun karantiil oo uu taageerayo Mareykanka, taas oo laga hirgelinayo saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Nanyuki ee gobolka Laikipia. Hadalkan ayaa yimid xilli qorshahan uu dhaliyay dood iyo…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 3, 2026, 12:18 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Ruto oo difaacay qorshaha Mareykanka ee xarumaha karantiilka Ebola
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa difaacay qorshe lagu dhisayo xarun karantiil oo uu taageerayo Mareykanka, taas oo laga hirgelinayo saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Nanyuki ee gobolka Laikipia. Hadalkan ayaa yimid xilli qorshahan uu dhaliyay dood iyo dibadbaxyo ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ruto ayaa sheegay in Kenya ay waajib ku tahay inay u diyaargarowdo cudurrada faafa iyo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah. Wuxuu xusay in dowladda ay qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo awoodda caafimaadka dalka, gaar ahaan la socodka iyo ka hortagga cudurrada halista ah.

Xarunta la qorsheeyay ayaa la sheegay inay qaadi karto ilaa 50 qof, waxaana loogu talagalay dadka looga shakiya inay la kulmeen fayraska Ebola balse aan weli muujin calaamadaha cudurka. Dowladda Kenya ayaa ku adkeysatay in xaruntan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga caafimaadka.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa walaac ka muujiyay mashruuca. Waxay sheegeen inay ka cabsi qabaan saameyn caafimaad oo ka dhalan karta xarunta, iyagoo dalbaday in si cad loo faahfaahiyo qorshaha iyo tallaabooyinka badbaado ee la qaadayo.

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa dhawaan si ku meel gaar ah u hakisay hirgelinta mashruuca, iyadoo amartay in la soo bandhigo heshiisyada iyo dukumentiyada la xiriira qorshaha. Sidoo kale, maxkamaddu waxay dalbatay in la caddeeyo qiimeynta laga sameeyay saameynta caafimaadka, deegaanka iyo amniga.

Wasiirka Caafimaadka Kenya Aadan Ducaale ayaa isna difaacay mashruuca, isagoo sheegay in xaruntu ay ka faa’iideysan karaan dhammaan dadka u baahan adeegyadaas. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay tababartay boqolaal shaqaale oo caafimaadka ah si ay uga jawaabaan khataraha cudurrada faafa.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dalalka waqooyi-bari Congo iyo Uganda ay la tacaalayaan kiisas la xiriira Ebola, halka Kenya ay sheegtay in aan weli laga diiwaangelin wax kiis ah oo cudurkaas ah.

Wasiirka Caafimaadka Kenya Aadan Ducaale:


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

23 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

24 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.