Wararka24: Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada Nanyuki ee bartamaha Kenya, iyagoo ka mudaaharaadaya qorshe la sheegay in Mareykanku ku doonayo inuu ka hirgeliyo xarun karantiil oo loogu talagalay dadka looga shakiyo inay la qabaan fayraska Ebola.
Dibadbaxyada ayaa yimid maalmo kadib markii Maxkamadda Sare ee Kenya ay si ku meel gaar ah u hakisay hirgelinta mashruuca, kadib dacwad ay gudbiyeen dad iyo ururro ka walaacsan saameynta caafimaad ee uu yeelan karo. Maxkamaddu waxay amartay in qorshaha la joojiyo inta laga dhageysanayo cabashooyinka la xiriira badbaadada bulshada iyo sharcinimada mashruuca.
Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah, xarunta la qorsheeyay ayaa laga dhisi lahaa saldhig militari oo ku yaalla gobolka Laikipia, waxaana loogu talagalay muwaadiniin Mareykan ah oo logo shakiyay fayraska Ebola balse aan weli muujin astaamaha cudurka. Xaruntan ayaa la sheegay inay qaadi karto ilaa 50 sariirood.
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay jiritaanka qorshaha. Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Ducaale, ayaa sheegay in mashruucu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo ka hortagga cudurrada faafa.
Si kastaba, dadka deegaanka ayaa muujiyay walaac xooggan. Qaar kamid ah mudaharaadayaasha ayaa sheegay in magaalada Nanyuki ay tahay bulsho yar oo ay si dhow isugu dhex nool yihiin ciidamada iyo shacabka, taas oo ay rumeysan yihiin inay kordhin karto khatarta faafitaanka cudur haddii xaalad degdeg ah timaado.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada ammaanka ay xoojiyeen ilaalinta saldhigga militariga iyo waddooyinka muhiimka ah ee ku dhow goobta la qorsheeyay. Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in dibadbaxyada iyo xiisadda ka dhalatay arrintan ay saameyn ku yeesheen ganacsigooda iyo dhaq-dhaqaaqa magaalada.
Iyadoo maxkamaddu ay weli baarayso dacwadda, arrintan ayaa noqotay mowduuc si weyn looga hadal hayo gudaha Kenya, iyadoo dad badan ay sugayaan go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan mustaqbalka xarunta la qorsheeyay.


















