Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xogta Saddex weerar oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa saddex weerar oo kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, kuwaas oo sababay walaac amni xilli magaalada ay isku diyaarinayso doorashooyinka soo socda ee Hirshabelle.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 1, 2026, 4:02 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xogta Saddex weerar oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa saddex weerar oo kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, kuwaas oo sababay walaac amni xilli magaalada ay isku diyaarinayso doorashooyinka soo socda ee Hirshabelle.

Qaraxa ugu horreeyay ayaa ka dhacay xaafadda Horseed, gaar ahaan aagga Laanta Isnaay, waxaana lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Haaroole. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu dhaawac kasoo gaaray weerarkaasi.

Weerarka labaad ayaa ahaa bam-gacmeed lagu weeraray xero ay degan yihiin ciidamada Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo ku taalla agagaarka saldhigga magaalada Jowhar. Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa rasaas furay kadib weerarka, hase yeeshee weli lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadaasi.

Dhanka kale, weerarka saddexaad ayaa lagu bartilmaameedsaday askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku sugnaa bar-koontarool ku yaalla magaalada. Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay, halka kooxihii weerarka fuliyay ay la baxsadeen hubkii uu watay.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle ama saraakiisha amniga oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarradan iyo khasaaraha guud ee ka dhashay.

Saaka ayaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle waxay bilaabeen howlgallo amni oo lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyay falalkan, iyadoo la adkeeyay ammaanka magaalada.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli Jowhar ay martigelin doonto doorashooyinka guud ee HirShabelle, kuwaas oo lagu soo dooran doono xildhibaannada baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee maamulka, taasoo sii kordhisay muhiimadda amniga magaalada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

22 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

22 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.