Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Jubbaland oo ku baaqday in wadatashi lagu xalliyo xaaladda Gedo

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ku baaqay in wadatashi iyo wada-hadal lagu xalliyo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 1, 2026, 10:37 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Jubbaland oo ku baaqday in wadatashi lagu xalliyo xaaladda Gedo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ku baaqay in wadatashi iyo wada-hadal lagu xalliyo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo, halkaas oo ay uga qayb-galayaan gogol wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si looga arrinsado mustaqbalka gobolka.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in maamulka uu soo dhoweynayo dadaallada lagu raadinayo xal waara, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo wadajirka bulshada iyo in laga fogaado kala qaybsanaanta siyaasadeed.

“Xalka Gobolka Gedo waa in wadatashi la isugu yimaado, si loo wada noolaado, siyaasaddana lagu xalliyo wada-hadal iyo is-qaddarin,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shacabka gobolka ay wadaagaan dano iyo masiir isku mid ah, islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo midnimada iyo wada-shaqeynta bulshada si looga gudbo caqabadaha jira.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa dhaliil u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in arrimaha gobolka aan lagu xallin karin awood iyo iska hor imaad, balse loo baahan yahay hannaan siyaasadeed iyo wadahadal.

Xiisadda siyaasadeed ee gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe soo noqnoqotay, iyadoo saameyn ku yeelatay xaaladaha amni, maamulka iyo adeegyada bulshada. Dhinacyada kala duwan ayaa hore ugu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafaadka jira si loo helo xasillooni waarta.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

21 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

21 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.