Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole ballaaran oo looga hortagayo cudurka Ebola, iyadoo la xoojinayo tallaabooyinka caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshada iyo ka hortagga faafitaanka cudurkaasi halista ah.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in la kordhiyay feejignaanta caafimaad, gaar ahaan goobaha laga soo galo dalka. Wasaaraddu waxay ka digtay halista cudurka Ebola oo wali saameyn ku haya qaar kamid ah dalalka Afrika, iyadoo adkeysay muhiimadda baaritaanka iyo la socodka dadka looga shakiyo xanuunka.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda, Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa loo asteeyay xarunta ugu weyn ee lagu baarayo kiisaska looga shakiyo Ebola. Qof kasta oo laga shakiyo inuu qabo cudurka ayaa mari doona baaritaanno caafimaad si loo xaqiijiyo xaaladdiisa.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in la dardargelinayo wacyigelinta bulshada, tababarrada shaqaalaha caafimaadka iyo xoojinta nidaamyada lagu ogaanayo cudurrada faafa. Tallaabooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo qatarta cudurka iyo in si degdeg ah looga jawaabo haddii kiis la helo.
Walaaca ugu weyn ayaa ka dhashay faafitaanka Ebola ee dalka Uganda, taas oo sare u qaaday cabsida laga qabo in cudurku ku faafo dalalka deriska la ah. Soomaaliya ayaa xiriir joogto ah la leh dalalka gobolka, iyadoo ay si joogto ah isaga kala gooshaan shaqaale, ganacsato iyo xubno ka tirsan hay’adaha caalamiga ah.
Dalka waxaa sidoo kale ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo shaqaale ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo si joogto ah ugu safra dalalka gobolka. Arrintan ayaa sii kordhisay dadaallada dowladda ee lagu adkeynayo kormeerka caafimaad iyo ka hortagga cudurrada faafa.
Isbitaalka Martiini ayaa hore door muhiim ah uga qaatay la tacaalidda cudurka Covid-19, waxaana lagu qalabeeyay agab iyo adeegyo caafimaad oo loogu talagalay maaraynta xaaladaha degdegga ah iyo cudurrada faafa.


















