Wararka24: Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, kadib markii uu warbaahinta uga hadlay cabashooyin la xiriira mushaar la’aan iyo xaaladaha nololeed ee ay wajahayaan ciidamada ku sugan magaalada Garoowe.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Wayrax ayaa maalmo kahor si fagaare ah uga hadlay dhibaatooyinka haysta ciidamada Daraawiishta, gaar ahaan kuwa ku sugan xerada 54-aad ee magaalada Garoowe. Wuxuu sheegay in qaar kamid ah ciidamada aysan helin mushaar muddo dheer, taas oo uu ku tilmaamay xaalad saameyn ku yeelatay noloshooda iyo shaqadooda.
Gaashaanlaha ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka dhaqaale ay saameyn ku yeesheen xaaladaha caafimaad ee ciidamada qaarkood. Wuxuu xusay in askar iyo saraakiil ay la kulmeen duruufo adag oo la xiriira helitaanka adeegyada caafimaadka.
Qoyska sarkaalka la xiray ayaa warbaahinta u sheegay in looga yeeray taliska xerada 54-aad, kadibna lagu wargeliyay inuu xiran yahay. Sida ay sheegeen, waxaa lagu hayaa xabsi ku yaalla gudaha xeradaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta loo xiray.
Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in amarka xarigga uu ka yimid masuuliyiin sare, hase yeeshee ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ama hay’adaha ammaanka oo ka hadlaya arrintan.
Xarigga Gaashaanle Wayrax ayaa dhalisay hadal-heyn ballaaran gudaha Puntland, iyadoo dad badan ay si dhow ula socdaan sida ay wax u dhacayaan. Qaar kamid ah shacabka iyo dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa ku baaqay in si cad loo faahfaahiyo sababta xarigga iyo xaaladda sarkaalka.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay isa soo tarayaan cabashooyinka la xiriira mushaarka, xaaladaha nololeed iyo adeegyada ay helaan qaar kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo marar kala duwan soo bandhigay walaacyo ku saabsan duruufaha ay ku shaqeeyaan.

















