Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo la xiray kadib cabasho…..

Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, kadib markii uu warbaahinta uga hadlay cabashooyin la xiriira mushaar la’aan iyo xaaladaha nololeed ee ay wajahayaan ciidamada ku sugan magaalada Garoowe.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 24, 2026, 6:51 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo la xiray kadib cabasho…..
Share

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, kadib markii uu warbaahinta uga hadlay cabashooyin la xiriira mushaar la’aan iyo xaaladaha nololeed ee ay wajahayaan ciidamada ku sugan magaalada Garoowe.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Wayrax ayaa maalmo kahor si fagaare ah uga hadlay dhibaatooyinka haysta ciidamada Daraawiishta, gaar ahaan kuwa ku sugan xerada 54-aad ee magaalada Garoowe. Wuxuu sheegay in qaar kamid ah ciidamada aysan helin mushaar muddo dheer, taas oo uu ku tilmaamay xaalad saameyn ku yeelatay noloshooda iyo shaqadooda.

Gaashaanlaha ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka dhaqaale ay saameyn ku yeesheen xaaladaha caafimaad ee ciidamada qaarkood. Wuxuu xusay in askar iyo saraakiil ay la kulmeen duruufo adag oo la xiriira helitaanka adeegyada caafimaadka.

Qoyska sarkaalka la xiray ayaa warbaahinta u sheegay in looga yeeray taliska xerada 54-aad, kadibna lagu wargeliyay inuu xiran yahay. Sida ay sheegeen, waxaa lagu hayaa xabsi ku yaalla gudaha xeradaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta loo xiray.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in amarka xarigga uu ka yimid masuuliyiin sare, hase yeeshee ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ama hay’adaha ammaanka oo ka hadlaya arrintan.

Xarigga Gaashaanle Wayrax ayaa dhalisay hadal-heyn ballaaran gudaha Puntland, iyadoo dad badan ay si dhow ula socdaan sida ay wax u dhacayaan. Qaar kamid ah shacabka iyo dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa ku baaqay in si cad loo faahfaahiyo sababta xarigga iyo xaaladda sarkaalka.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay isa soo tarayaan cabashooyinka la xiriira mushaarka, xaaladaha nololeed iyo adeegyada ay helaan qaar kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo marar kala duwan soo bandhigay walaacyo ku saabsan duruufaha ay ku shaqeeyaan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

24 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.