Wararka24: Itoobiya iyo Jabuuti ayaa wada-hadallo heer sare ah ka yeeshay mashruuc cusub oo lagu dhisayo dhuumo qaada shidaalka iyo gaaska, kuwaas oo la qorsheynayo inay isku xiraan labada dal si loo xoojiyo ganacsiga tamarta iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay madaxa fulinta ee Ethiopian Investment Holdings, Brook Taye. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa marin cusub oo tamareed oo u adeegaya baahida sii kordheysa ee Itoobiya iyo fursadaha dhaqaale ee Jabuuti.
Qorshaha la soo bandhigay ayaa ka kooban laba weji. Wejiga koowaad waxaa lagu dhisayaa dhuumo qaada shidaalka la sifeeyay kuwaas oo ka bixi doona dekedaha Jabuuti kuna xirmi doona xarumaha saadka ee Itoobiya. Tani waxay yareyn kartaa kharashaadka gaadiidka iyo waqtiga lagu qaato gudbinta shidaalka.
Wejiga labaad ayaa diiradda saaraya dhuumo gaar ah oo loogu talagalay gaaska dabiiciga ah iyo saliidda ceyriin. Qorshuhu wuxuu ujeedkiisu yahay in khayraadka laga soo saaro Gobolka Soomaalida Itoobiya loo dhoofiyo suuqyada caalamka iyadoo la adeegsanayo dekedaha Jabuuti.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle uu si wanaagsan uga falceliyay hindisahan, isla markaana labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo farsamo iyo kuwo maalgashi oo muhiim u ah hirgelinta mashruuca.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka kala socotay Itoobiya, Jabuuti iyo Kooxda Dangote, taas oo muujineysa muhiimadda mashruucan loo arko. Iskaashigan cusub ayaa kusoo aadaya xilli ay Itoobiya sii xoojineyso dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha tamarta iyo marinada dhoofinta.
Haddii mashruucan la hirgeliyo, wuxuu noqon karaa mid si weyn u xoojiya xiriirka dhaqaale ee Itoobiya iyo Jabuuti, isla markaana sare u qaada doorka labada dal ee ganacsiga tamarta ee Geeska Afrika.















