• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Safiirka cusub ee Somaliland oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Israel+sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Safiirka cusub ee Somaliland oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Israel+sawiro
Share

Wararka24: Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa magaalada Qudus ku qaabilay safiirkii ugu horreeyay ee ay Somaliland u magacowdo dal dibadeed,Safiirka aya waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed u gudbiyay Madaxweynaha.

Safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa noqday ergaygii ugu sarreeyay ee maamulkaas u fadhiya Tel Aviv, iyadoo tallaabadan ay kusoo aadeyso xilli xiriirka u dhexeeya labada dhinac uu si weyn usoo xoogeysanayo. Madaxweynaha Israa’iil ayaa sheegay in iskaashiga cusub uu muhiim u yahay labada dhinac, isla markaana uu horseedi karo wada-shaqeyn dhinacyo badan leh.

Maxamed Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xiriirka Somaliland iyo Israa’iil uu yahay mid istiraatiiji ah, wuxuuna xusay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan arrimaha horumarinta, amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka shacabka. Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Somaliland ay uga mahadcelinayaan Israa’iil taageerada ay siisay maamulkaas.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa isna qaabilay safiirka cusub, isaga oo ugu hambalyeeyay munaasabadda 18-ka May ee Somaliland. Dowladda Israa’iil ayaa bishii lasoo dhaafay sidoo kale magacowday safiirkii ugu horreeyay ee u fadhiya Somaliland.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin xooggan oo siyaasadeed, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimid tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland. Sidoo kale, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta ay arrintan ku yeelan karto midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, inkasta oo xiriirka Israa’iil iyo Somaliland uu galay marxalad cusub oo diblomaasiyadeed.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.