• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Maamullada degmooyinka Gobolka iyo hay’adaha amniga oo la geliyay heegan amni

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Maamullada degmooyinka Gobolka iyo hay’adaha amniga oo la geliyay heegan amni
Share

Wararka24: Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, kadib kulamo amni oo dhawaan ka dhacay caasimadda. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga hortagayo falal amni darro iyo isku dayo lagu qalqal gelinayo xasilloonida magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xalay kormeer ku tagay degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiinta degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka. Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo sidii loo kordhin lahaa feejignaanta ciidamada.

Yabooh ayaa sheegay in kulamadii amniga ee dhowaan dhacay lagu go’aamiyay in maamullada degmooyinka iyo ciidamada ammaanka la geliyo heegan buuxa, si habeen iyo maalin looga shaqeeyo sugidda amniga shacabka Muqdisho. Wuxuu tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta caasimadda.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka ay door muhiim ah ku leeyihiin ilaalinta amniga, isaga oo bogaadiyay wada shaqeynta ay muujiyeen dadka ku nool degmooyinka uu kormeerka ku tagay. Waxa uu xusay in bulshada ay muujiyeen kalsooni la xiriirta horumarka dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgalada ammaanka, iyadoo laamaha ammaanka ay xoojiyeen dhaq dhaqaaqyada lagu xaqiijinayo xasiloonida magaalada. Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in qorshayaasha cusub ay qeyb ka yihiin dadaallada looga hortagayo khataraha amni ee ka imaan kara kooxaha hubeysan iyo falalka lagu carqaladeynayo nabadda caasimadda.

Howlgaladan iyo heeganka cusub ayaa kusoo aadaya xilli Muqdisho ay martigelineyso kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo muhiim u ah xaaladda dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.