• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo ka carooday tallaabada safiirka Jabuuti ee tagay Villa Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mucaaradka oo ka carooday tallaabada safiirka Jabuuti ee tagay Villa Soomaaliya
Share

Wararka24: Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga falceliyay tallaabadii uu maanta qaaday safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti usoo magacowday Soomaaliya, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kadib markii uu waraaqaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda lagu guddoonsiinayay waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya, halkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu kusoo dhaweeyay safiirka cusub, isaga oo ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa kulankaasi ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, isagoo safiirka cusub u rajeeyay shaqo miro-dhal ah.

Arrintan ayaa si weyn uga careysiisay mucaaradka, gaar ahaan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Xoghayaha madashaasi, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa sheegay in safiirka Jabuuti looga baahnaa inuu sugo xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama mucaaradku ay ku doodayaan inuu dhammaaday muddo xileedka Madaxweynaha.

“Safiirka walaalaha Jabuuti waxay ahayd inuu sugo Madaxweynaha sharciga ah ee soo socda. Xasan Sheekh waa madaxweynihii hore ee dalka mana lahan awood sharci ah oo uu go’aanno masiiri ah ku gaaro wixii ka dambeeya 15-ka May,” ayuu yiri Maxamed Aadan Koofi.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho inay ixtiraamaan dastuurka iyo sharciyada dalka, gaar ahaan muranka siyaasadeed ee hadda taagan.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa in muddo xileedka dowladda federaalka uu soconayo ilaa 15-ka May 2027, iyadoo ku saleyneysa dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay.

Kulamadan diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha uu la yeelanayo safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ayaa loo arkaa kuwo wiiqaya doodda mucaaradka, maadaama ay muujinayaan in waddamo dhowr ah ay sii wadaan xiriirka rasmiga ah ee ay la leeyihiin dowladda federaalka.


Share

Recommended

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

2 months ago
Duqeyn ka dhacday  Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

3 months ago
Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

7 months ago
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

3 months ago
Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

12 months ago
Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

2 months ago
Faahfaahinta Dilka manta hargeysa Somaliland

Wararka24: Booliska Somaliland oo soo qabtay eedeysane loo haysto dil ka dhacay Manta Hargeysa? +Faah faahin dherad ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.