Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Golaha Wasiirrada oo shir deg deg ah ka yeelanaya dhaqan-gelinta dastuurka

Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya shir aan caadi ahayn oo looga hadlaya arrimo siyaasadeed iyo kuwo dastuuri ah, xilli ay dalka ka jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 17, 2026, 4:09 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Golaha Wasiirrada oo shir deg deg ah ka yeelanaya dhaqan-gelinta dastuurka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya shir aan caadi ahayn oo looga hadlaya arrimo siyaasadeed iyo kuwo dastuuri ah, xilli ay dalka ka jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.

Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in dowladda ay qorsheyneyso dhaqan-gelinta dastuurka cusub ee uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay si weyn uga soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah maamullada dalka.

Xassan Sheekh Maxamud iyo dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaya in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay shan sano, isla markaana dalka loo gudbinayo nidaam doorasho qof iyo cod ah.

Shirkan ayaa kusoo aadaya kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ka socday xerada Xalane ee u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo lagu isku dayayay in xal looga gaaro khilaafka doorashooyinka iyo maamulka marxaladda kala guurka.

Mucaaradka ayaa dhankooda wada tashiyo ka wada tallaabooyinka ay uga hortagayaan qorshaha dowladda, iyadoo beesha caalamka ay labada dhinac ugu baaqeyso inay dib ugu laabtaan wada-hadallada iyo isu tanaasulka siyaasadeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in dalka si rasmi ah loogu gudbayo nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan mabda’a qof iyo cod, kadib markii lagu kala kacay wadahadalladii Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay diideen qorshaha doorashooyinka dadweynaha, halka dowladda ay sheegtay inay ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda doorasho.

“Dowladda waxay la wadaagaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in albaabka wada-hadalka iyo wadatashigu uu weli furan yahay, balse aysan gorgortan ka geli doonin hirgelinta doorashooyinka dadweynaha.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

17 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

18 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.