• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya
Share

Wararka24: Urur-goboleedka (IGAD) ayaa soo dhaweeyay wada-hadalladii Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo socday intii u dhaxeysay 13 illaa 15 May 2026.

War-saxaafadeed kasoo baxay xoghayaha guud ee IGAD ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socday natiijada wada-tashiyada, islamarkaana uu muhiimad gaar ah siinayo in la sii wado wada-hadallada siyaasadeed si xal looga gaaro khilaafaadka weli taagan.

IGAD ayaa sheegtay in wada-hadal joogto ah uu muhiim u yahay ilaalinta xasilloonida dalka, xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya, xilli uu dalka wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

“Dhammaan dhinacyada Soomaalida waa inay raadiyaan xalal xoojinaya midnimada qaranka, kalsoonida shacabka iyo xasilloonida muddada dheer,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay ururka.

Sidoo kale, urur-goboleedka IGAD ayaa markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo dadaallada ay Soomaalidu hoggaaminayso ee lagu dhisayo dowlad loo dhan yahay, nabad waarta iyo mustaqbal deggan oo Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika ah.

Bayaankan ayaa kusoo aadaya kadib markii ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen wada-hadalladii dowladda federaalka iyo mucaaradka ee ka dhacay xerada Xalane, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo maamulka marxaladda kala guurka, iyadoo beesha caalamka ay ku baaqeyso in xal lagu gaaro wada-hadal iyo isu tanaasul siyaasadeed.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.