Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo la kulmay safiirka Turkiga kadib fashilka wada-hadalladii mucaaradka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, saacado kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 16, 2026, 5:35 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo la kulmay safiirka Turkiga kadib fashilka wada-hadalladii mucaaradka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, saacado kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo taageerada Turkiga uu siiyo dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa kamid ah saaxiibada ugu waaweyn ee Soomaaliya ka taageera dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo ciidamada.

Safiirka Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee xiriirka la leh maamullada Puntland iyo Jubaland.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga kaalinta ay ka qaadato taageerada amniga, tababarka ciidamada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dhinac.

Kulankan ayaa kusoo aaday kadib markii ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen wada-hadalladii dowladda iyo mucaaradka ee ka socday xerada Xalane, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Mucaaradka ayaa weli ku adkeysanaya in muddo xileedka dowladda uu dhammaaday, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in muddo xileedka dowladda iyo baarlamaanka uu ku egyahay 15-ka May 2027, sida uu dhigayo dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay.

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa weli taagan, waxaana laga cabsi qabaa in fashilka wada-hadallada uu sii kordhiyo khilaafka ka dhex jira dowladda federaalka iyo mucaaradka siyaasadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.