• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo la kulmay safiirka Turkiga kadib fashilka wada-hadalladii mucaaradka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo la kulmay safiirka Turkiga kadib fashilka wada-hadalladii mucaaradka
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, saacado kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo taageerada Turkiga uu siiyo dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa kamid ah saaxiibada ugu waaweyn ee Soomaaliya ka taageera dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo ciidamada.

Safiirka Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee xiriirka la leh maamullada Puntland iyo Jubaland.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga kaalinta ay ka qaadato taageerada amniga, tababarka ciidamada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dhinac.

Kulankan ayaa kusoo aaday kadib markii ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen wada-hadalladii dowladda iyo mucaaradka ee ka socday xerada Xalane, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Mucaaradka ayaa weli ku adkeysanaya in muddo xileedka dowladda uu dhammaaday, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in muddo xileedka dowladda iyo baarlamaanka uu ku egyahay 15-ka May 2027, sida uu dhigayo dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay.

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa weli taagan, waxaana laga cabsi qabaa in fashilka wada-hadallada uu sii kordhiyo khilaafka ka dhex jira dowladda federaalka iyo mucaaradka siyaasadeed.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.