Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Farmaajo Oo Sheegay In Dalka Galay Marxalad siyaasadeed oo halis ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo halis ah, kadib sida uu sheegay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 16, 2026, 3:51 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Farmaajo Oo Sheegay In Dalka Galay Marxalad siyaasadeed oo halis ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo halis ah, kadib sida uu sheegay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.

Qoraalka kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu sheegay in xaaladda cusub ee dalka soo wajahday ay abuurtay firaaqo dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed, taas oo uu sheegay in looga gudbi karo oo keliya wada-tashi qaran oo loo dhan yahay.

Farmaajo ayaa ugu baaqay hormuudka siyaasadda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay yeeshaan wadahadal iyo isu-tanaasul lagu badbaadinayo dowladnimada dalka iyo xasiloonida siyaasadeed.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay noqotay mid xil-gaarsiin ah, isaga oo tixraacay qodobbo kamid ah dastuurka KMG ah ee dalka. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo horseeda doorasho la isku waafaqsan yahay si looga baxo marxaladda hadda jirta.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa farriin gaar ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay ka fogaadaan ku milanka arrimaha siyaasadda iyo in aan loo adeegsan awood ka baxsan sharciga.

Wuxuu sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay xoogga saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira difaaca dalka, sugidda amniga iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan wada-hadallo u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo marxaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

18 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

18 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.