Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Lafta-gareen oo ka horyimid doorashada Koonfur Galbeed kana digay dhaq-dhaqaaqa DF

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si adag uga horyimid doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo ku tilmaamay kuwo aan sharciyad lahayn oo baal marsan dastuurka iyo nidaamka federaalka dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 15, 2026, 9:53 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Lafta-gareen oo ka horyimid doorashada Koonfur Galbeed kana digay dhaq-dhaqaaqa DF
Share

Wararka24: Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si adag uga horyimid doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo ku tilmaamay kuwo aan sharciyad lahayn oo baal marsan dastuurka iyo nidaamka federaalka dalka.

Lafta-gareen ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay leedahay hay’ado dowladeed oo sharci ah, isla markaana uu jiro madaxweyne si dastuur ah loo doortay, sidaas darteedna aan loo baahnayn hannaan kale oo uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo maamulka jira.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in cid kasta oo isku dayaysa inay qabato doorasho ama ay dhisto maamul cusub ay ku xadgudbeyso nidaamka federaalka, midnimada shacabka iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu eedeyn culus u jeediyay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan deegaanada maamulkaas, isaga oo sheegay in shacabka rayidka ah ay kala kulmayaan cabsi iyo xadgudubyo sharci darro ah.

Lafta-gareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay ka feejignaadaan waxa uu ku tilmaamay olole marin habaabin ah oo lagu qaldayo bulshada, wuxuuna ku adkeystay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo hay’adaha rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacay 13 degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay ahaayeen kuwo si nabad ah ku qabsoomay, isla markaana ay shacabka si weyn uga qeyb qaateen.

Doorashadaasi ayaa lagu doortay goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka maamulka, iyadoo guddiga doorashooyinka uu shaaciyay in xisbiga JSP uu helay kuraasta ugu badan ee golaha wakiilada.

Khilaafka ka dhashay doorashada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, arrimahaas oo ay si weyn isugu hayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.