• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Lafta-gareen oo ka horyimid doorashada Koonfur Galbeed kana digay dhaq-dhaqaaqa DF

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Lafta-gareen oo ka horyimid doorashada Koonfur Galbeed kana digay dhaq-dhaqaaqa DF
Share

Wararka24: Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si adag uga horyimid doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo ku tilmaamay kuwo aan sharciyad lahayn oo baal marsan dastuurka iyo nidaamka federaalka dalka.

Lafta-gareen ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay leedahay hay’ado dowladeed oo sharci ah, isla markaana uu jiro madaxweyne si dastuur ah loo doortay, sidaas darteedna aan loo baahnayn hannaan kale oo uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo maamulka jira.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in cid kasta oo isku dayaysa inay qabato doorasho ama ay dhisto maamul cusub ay ku xadgudbeyso nidaamka federaalka, midnimada shacabka iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu eedeyn culus u jeediyay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan deegaanada maamulkaas, isaga oo sheegay in shacabka rayidka ah ay kala kulmayaan cabsi iyo xadgudubyo sharci darro ah.

Lafta-gareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay ka feejignaadaan waxa uu ku tilmaamay olole marin habaabin ah oo lagu qaldayo bulshada, wuxuuna ku adkeystay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo hay’adaha rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacay 13 degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay ahaayeen kuwo si nabad ah ku qabsoomay, isla markaana ay shacabka si weyn uga qeyb qaateen.

Doorashadaasi ayaa lagu doortay goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka maamulka, iyadoo guddiga doorashooyinka uu shaaciyay in xisbiga JSP uu helay kuraasta ugu badan ee golaha wakiilada.

Khilaafka ka dhashay doorashada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, arrimahaas oo ay si weyn isugu hayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.