• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Lafta-gareen oo sheegay inay dib u xoreynayaan Koonfur Galbeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Lafta-gareen oo sheegay inay dib u xoreynayaan Koonfur Galbeed
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo iyo doorashooyinka maamulkaasi. Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli muran xooggan uu ka taagan yahay hannaanka siyaasadeed ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa sheegay inuu weli isu arko madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, isaga oo ku dooday in dib loogu doortay xilkaas dabayaaqadii bishii March. Wuxuu sheegay in sharciyadda hoggaankiisa ay weli taagan tahay, isla markaana uusan aqbaleyn isbeddellada hadda socda.

Sidoo kale, wuxuu shaaca ka qaaday in isaga iyo taageerayaashiisa ay wadaan abaabul siyaasadeed iyo mid bulsho, si ay dib ugu soo ceshadaan maamulka Koonfur Galbeed. Wuxuu taageerayaashiisa ugu baaqay samir iyo isku duubni, isaga oo tilmaamay in maalmo muhiim ah ay soo socdaan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli warar kala duwan ay sheegayaan in ciidamo taageersan Lafta-gareen ay ku sugan yihiin gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo la xiriira muranka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka.

Dhanka kale, Baydhabo ayaa noqotay xarunta ugu weyn ee dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka maamulka, iyadoo dhinacyada kala duwan ay wadaan dadaallo ku saabsan cidda yeelan doonta hoggaanka maamulka.

Xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ah murannada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo doodo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo awood-qeybsiga siyaasadeed.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.